Soomaaliya Waxay Ku Sugan Tahay Halis!!!

calan

Waxaa muuqata in aan taaganahay isgoys halis ah oo aad iyo aad u khatar badan Meesha nalaka soo galay oo dhibaatadu ka soo Bilaabatay dadka inta afartan sano ka weyn waygaranayaan inta ka yarna arkaa joogihii baa baa nool oo si kasta wax ha ugu sheegee la nool.

Dadku waa wax san sheeg iyo wax xunsheeg. Taas mic naheedu waa in qaar dhanka xun wax ka fiirsho midna dhanka wanaaga oo waatan Soomaalidu tiraahdaa (hilibka sararta qofba dhan buu ka eegaa), bal Ila eega qaar baa qaranjabkii wax wanaagsan nooga dhiga iyo guul oo weliba ku faana Sow kaaf iyo kala dheeri maaha?.

Tan kale 1991kii qaranjabkii Soomaaliya ma is weydiiney waxaa naga ba’ay oo aan haysanay? Maxaa noo kordhay oo aan helnay? Dalku waa warshadaysnaa gaar ahaan kuwa baahida bulshada sida cuntada ,cabitaanka iyo dhismaha waana sii kobcayeen,waxbarasho lacag la’aan ah iyo caafimaad sidoo kale biyo iyo koronto jaban.


Igu dan bayn jabhadahii qabiileysnaa ee shisheeyuhu Hagayey kanaalka la soo mariyeyna ahaa Itoobiya sow ma ahayn dhagax nala ku soo tuuray? Ilaa maanta waxaan la dagaalamayn dhagaxii nala ku soo tuuray.

1991kii.Inta aan dhagaxa nala ku soo tuuray isku mashquulineyno maxaan u arki la’nahay cadawga shisheeyahaa ee dhagaxa soo tuuray iyo kanaalka uu soo mariyey?!!!.

Haddaba taas bedelkeedii waxaan taageereynay figradii iyo ujeedadii cadawgu naga lahaa, waxaan kala raacnay dhagxaantii nala ku soo tuuray oo ahayd jabhadihii beeleysnaa ahayd sidii cadawgu noogu talagalay. (Doqoni halkii laga qaniinay ma garan).

Bal u fiirsada sidii aan u kala raacnay USC,SSDF,SNM,SPM iyo RRA intii aan wax ka bedeli lahayn ayyagii baan weli talo ka sugaynaa oo weliba hogaamiyayaashoodii taalooyin uga dhisnay Baydhabo,Galkacyo, Garoowe, Boosaaso iyo Hargeysa.

Reer ba’ayoow yaa kule?!!! Sow jidkii cadawgu noogu talagalay oo ah in geeska Afrika magaca Soomaaliya laga tiro kuma socono? Yaa diidaaya haddii aan deg deg laysu dabaqaban in ay rumoomeyso riyadii Mililik iyo Xaylesalaase ee ahayd Soomaaliya waa qayb ka mid ah Itoobiya? Maxaa xal ah? (Raqba ku ragweed).

Taladu maanta waxay agtaalaa madaxweynaha iyo golayaasha aan iska iloowno wax la yiraahdo beesha caalamka kana Leexano dhabayaasha na loo jeexay ee ah godkii aan idin ku xabali lahayn gacmihiina ku qota oo aan qaadno tilaabooyinkaa:-


1-Wacyigelin dadweynaha lagu dareensiinaayo khatarta dalka diinta iyo dadkayagu ku sugan yahay ayyan a laga wacyigelinaayo masaajidka, meediyaha iyo fagaarayaasha waaweyn ee dadka lagu kulmin karo .


2-Ha la sameeyo gudiyo ka kooban culumo, aqoonyahano iyo ururada bulshada sida haweenka iyo dhalinyarada dadka maskaxdiisa ka tirtira waxa la yiraahdo ha la ilaaliyo waxa lagu heshiiyey ee ah tastuur iyo federaal, Bal isweydiiya Soomaalida samaysatay oo ku heshiisay waa tee?


3-Ha la sameeyo shirweyne Soomaaliyeed oo laysugu keenaayo odaydhaqameedyada ,waxaan ula jeedaa beel kasta waxay leedahay oday shirgudoon ah looma baahna inta ka hoostimaada, aqoonyahano iyo xubno ka socda ururada bulshada halkaas bay la soo bixi kartaa talo lagu dhaqi karo dalka iyo dadkayaga.


Wabilaahi towfiiq
Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.