Ku dhowaad 4,000 Arday oo u fariisatay Imtixaanka ku biirista Jaamacadda Ummadda

Faarax

Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in Ardaydii ugu badneyd ay sanadkan u fariisatay Imtixaanka ku biirista Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo wax ku baranaya canshuurta dalka.

Wasiirka oo ka qayb galayay furitaanka Imtixaanka ku biirista Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in la marayo sanadkii 10-aad dib u howlgelintii Jaamacadda burburkii ka dib, iyadoo ay maanta u fariisteen Imtixaanka 3,924 Arday oo ah tiradii ugu badnayd ee ay qabato.

Wasiirka ayaa sheegay in Jaamacadda lagu soo biirin doono sanadkan Macallimiin xagga luqadaha ah iyo qalab, si sanadka asaasiga ah diyaar garoow xooggan loogu sameeyo Ardayda, isagoo kula dardaarmay Ardayda in ay isu diyaariyaan in ay geli doonaan marxalad calami ah loona baahan yahay in ay la qabsadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.