Madaxweynaha Dowladda Galmudug oo goob-joog ka ahaa saxiixa heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo

Qoorqoor

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa goobjoog ka ahaa munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaaladda Muqdisho isla markaana lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo.

Munaasabadda waxaa goobjoog ahaa wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan DFS, mudanayal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha ayaa madasha ka sheegay dhismaha Dekadda Hobyo uu yahay riyo muddo dheer ay ku taamayeen reer Galmudug, isagoo sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.