Dowlada Soomaaliya ayaa Xayiraadi duulimaadyada diyaaradaha ee Saarnayd Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ka qaaday.
Sadex iyo Toban bari kadib ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Degmada Caabudwaaq kasoo dagay labo diyaaradood oo dad shacab kasoo qaaday Magaalada Muqdisho.
Xirirka ka dhaxeeya Dowlada Muqdisho beesha Marewxaan ayaa xumaaday kadib markii shacabka Caabudwaaq la wareegeen hub sharci daro dalka lagu soo galiyey, kaas oo ilaa iyo hada dowlada aysan sheegin Cida lahayd.
Leave a Reply