Ganacsato Muqdisho Lagu dilay Kadib Markii ay Kamerooyin Dukaanadoodii ku Xireen

muqdisho

Dowlada Soomaaliya ayaa Ganacsatada Magaalada Muqdisho ku amartay inay goobahooda Ganacsiga ku xiraan Kamarooyin.

Afar Qof ayaa lagu dilay degmada Deyniile ee gobalka Banaadir gaar ahaan xaafadda Oodweyne, Saddexda qof oo ganacsato ahaa oo ku sugnaa goobtooda ganacsi waxaa dilay koox hubeysan sida ay sheegeen goob joogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in loo dilay arimo la xariira kaamirooyin ay ku xireen goobahooda ganacsi.

Maleeshiyada alshabaab ayaa muddooyinkii dambe waxay beegsanayeen dadka kaamirada ku xira goobahooda ganacsiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.