Maxaa sabab u ah 12 Octoobar in aan meelna laga xusin calanka Soomaaliya?!!!

calan

Afkii iyo gacanta baa isku Kay dhegay maanta oo 12ka Octoobar oo dalka iyo dibada meelna aan laga soo hadal qaadin calanka Soomaaliya oo maanta ku astaysan.

1961kii bishii Feebaraayo baan Xamar miyiga ka soo galay oo waxbarasho la ii keenay, waa 64 sano weli ima soo Marin calanka Soomaaliya oo aan loo dabaal degen oo aan xaflado, gaada ka Cayaar askareed iyo Madaxweyne bax dhiga meelaha taariikhiga.

Haddii aan maankayga rog rogay waxaa ii soo baxday in qaranka Soomaaliyeed baylah yahay oo uusan lahay madax. bal eega madaxweynahii wuxuu mashquul ku yahay sidii uu u tolan lahaa shaar asaga le’eg oo weligii uu kursiga ku fadhiyo, dawaarlihii shaarkaas toli lahaana waa layahay.

Gudoomiyihii aqalka sare asaga oo Soomaaliland iyo Muuse haandaraab u shaqaynaya ayuu ku mashquulay in uu adeegsado awood uusan lahayn oo mid ka mid ah masuuliinta dalka ugu sareysa xilka ka qaaday, dulmigaas kuwa badan baa uga horeeyey golahii shacabka mooshino iska soo horjeeda bay ku mashquuleen.

dhammaan arimahaas waa daneysi gaara waxaana lala iloobay dantii guud oo loo idmaday madax ku sheegaan (Reer ba’ayoow yaa ku leh)?!!!.


Intaas ka badan ma sii wadi karo qormada oo sibaa maskaxda iyo qalbiguba yihiin oo quus baa ii muuqata ee bal aan jawaabta u daao haddii wax Garad. Soomaalida ku haray.
Wabilaahi towfiiq
Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.