Booliska oo Ka Hadlay Qasaarihii Ka Dhashay Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

boliis

Booliska Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyey qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay barxadda dugsiga tababarka Booliska ee Iskuul Boolisiya.

Qoraal kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in 7 ruux oo isugu jira ciidan iyo Shacab ay ku geeriyoodeen qaraxa islamarkaana ay ku dhaawacmeen 6 ruux.

Boolisku wuxuu ku sheegay qoraalka in qaraxu uu ka dhacay guryo isku raran ah oo ku yaalla kasoo horjeedka barxadda halkaas oo ay ku yaallaan geedo waaweyn oo la harsado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.