Sawiro:Madaxwayne Xasan oo Safar Ku Tagay Dalka Brundi

XASANSHEEKH

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, ka dib casuumaad rasmi oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi oo kulan gaar ah ku yeeshay Mataxtooyada Burundi ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Burundi iyo dowladiisa taageerada iyo nafhurnimada ay Soomaaliya u sameeyeen taas oo ah mid aan la ilaawi karin.

Dhinaca kale Madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa amaanay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka Khawaarijta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika, Qaadista Cunaqabateynta iyo qodobo kale, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay garab siisay Burund xili adag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.