Wasiiro ka tirsan XFS iyo masuuliyiin kale oo Muqdisho ku soo dhaweeyay in ka badan 100 dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo saaray xabsiyada dalka Liibiya.
109 qof oo kamid ah dhalinyaradaas ayaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, halka 55 qof oo kale laga dejiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer u gashay soo badbaadinta dhallinyaradaan oo muddo dheer ku dhibaateysneyd xabsiyada dalka Libya, iyagoo gacanta u galay kooxo Magefayaal ah, waxaana hadda lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.
Leave a Reply