Akhriso:Qaramada Midoobay oo Badalay Hawgalkii UNSOM Mid kalana Magacowday

amisom

Hawlgalka cusub ee loogu magac daray Kalaguurka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo bixiyay (UNTMIS) ayaa maanta ka shaqo bilaabay dalka, wuxuna badalay Hawlgalkii la oran jiray Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya James Swan ayaa ku sheegay hawlgalka cusub mid muujinaya sida bulshada caalamku ula garab taagan tahay Soomaaliya sidii dawlad adag ay u yeelan lahayd.

“UNTMIS waxa uu xaqiijinayaa sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay inuu Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku garab-istaago sidii loo dhisi lahaa dal xooggan iyo mustaqbal wanaagsan – waxaan ku hanweynahay in aan si wadajir ah u wada shaqayno annagoo iskala shaqaynayna hawlgalkan kalaguurka muddada labada sanno ah ee qorsheysan, iyadoo Soomaaliya ay sii xoojinayso lahaanshaha qaran iyo isku-tiirsanaanta,” ayuu yiri Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Hawlgalka cusub ee UNTMIS ayaa la sameeyay kaddib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay qaraarka tirsigiisu yahay 2753 (2024) soona baxay 30kii bishii ina dhaaftay ee Oktoobar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.