Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ka qeyb galay shirka guud ee 92-aad ee INTERPOL oo ka dhacay magaalada Glasgow ee dalka UK, halkaas oo uu kaga hadlay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada amniga iyo la-dagaalanka argagixisada.
Wasiirka ayaa sheegay in wadashaqeynta booliska caalamka ay tahay mid fure u ah nabadgelyada iyo xasilloonida, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay door muhiim ah ka qaadato iskaashigan si loo xaqiijiyo amniga caalamka oo dhan.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay horumarka laga gaaray dhanka tiknoolajiyada amniga, gaar ahaan tiknoolajiyada biometirka iyo sirdoonka macmalka ah (AI), kuwaas oo dalalka caalamka ay si wadajir ah ugu shaqeynayaan horumarintooda.
Wasiir Fartaag ayaa sheegay in tiknoolajiyadan casriga ah ay muhiim u tahay ka hortagga dambiyada caalamiga ah, isla markaana ay kaalin weyn ka qaadan karto sugidda amniga gudaha ee Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka.
Leave a Reply