Sawiro:Madaxweyne Xasan oo Muqdisho Uga Qayb Galay Dhalashada Boqorka Ingiriiska

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xadan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda Boqorka Dalka Ingiriiska Charles III oo ka dhacday xarunta Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo boqortooyada Ingiriiska. Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo bandhigay ahmiyadda ay u leedahay xoojinta dowladnimada iyo horumarinta dalka hirgalinta doorashooyin dimuquraaddi ah iyo in dib awoodda loogu celiyo dadweynaha.

“Doorashadu waa tiirka ugu muhiimsan dimuqraadiyad ku saleysan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, dowladdu waxay ka shaqeynaysaa in shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda uga qeyb qaataan hagidda mustaqbalkooda iyo in ay helaan xaqa Dastuuriga ah ee doorashada cidda hoggaaminaysa masiirkooda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Saaxiibada caalamiga ah ka dalbaday in dowladda Soomaaliyeed ay ku garab istaagaan marxaladdan taariikhiga ah, si loo helo daganaansho siyaasadeed, amni iyo horumar waara oo ka hanaqaada dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.