Xildhibaanada Barlamaanka Jubbaland ayaa Maanta oo Isniin ah dib u doortay Madaxwaynihii hore ee Jubbaland Axmed Madoobe.
War qoraala oo usoo saar Madaxwayne Sheekh Shariif ayaa sidaan u qornaa.
Waxaan halkaan ugu hambalyeynayaa Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta Baarlamaanka Jubaland u doortay in uu hogaamiyo Dowlad Goboleedka Jubaland shanta sano ee soo socota. Waxaan Allaah ugu baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay.
Doorashada Jubbaland waxay meesha ka saartay muddo kordhintii sharci darrada ahayd ee madaxda dowladda Federaalku ku cadaadinayeen Dowlad Goboleedyadda Dalka.
Waxaan uga digayaa madaxda dowladda Federaalka in Ciidamada Qaranka loo adeegsado danno siyaasadeed waana in laga fogaado xasarad abuurka iyo qalqalgalinta deegaannada Jubaland.
Ugu dambeyn, waxaan usoo jeedinayaa Madaxweynaha Jubaland in uu kaalin mug leh ka qaato xal u helidda arrimaha siyaasadeed ee cakiran.
Leave a Reply