Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu uga qeybgalo shir muhiim ah oo u dhexeeya Madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Madaxweyne Xasan ayaa jeedin doona khudbad uu madaxda iyo martisharafta kale uga warbixinayo dadaallada dawlad-dhiska, kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliyeed ee ku wajahan la-falgalidda ganacsi, waxbarasho iyo horumarineed ee bahdooda Bariga Afrika.
Leave a Reply