Kulan lagu taageeraayo dib u doorashada Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa lagu qabtay Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Waxgaradka, odoyaasha Dhaqanka dhalinyarada iyo Haweenka Gobolka Mudug ayaa kulankaan ku muujiyay sida ay usoo dhaweynayaan in Jubaland ay qabsato doorashadeeda.
Qeybihii kala duwanaa ee ku sugnaa Madasha ayaa ka hadlay kulanka waxa ayna sheegeen in Jubaland ay xaq u leedahay qabsashada Doorashadeeda dastuurkeedana uu qoraayo xiliga la qabanaayo doorashada State-ka.
Leave a Reply