Sawiro:Wasiirka Warfaafinta oo aqoon isweydaarsi u furay howlwadeenno ka socday hay’adaha dowladda

daauud

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa  aqoon isweydaarsi ku saabsan xiriirka warbaahinta iyo maareynta shirarka dowladda u furay hawlwadeennada xiriirka warbaahinta ee hay’adaha Dowladda Federaalka.

Tababarkani oo soconaya muddo saddex maalmood ah ujeedkiisu waa kor u qaadista hagaajinta xiriirka warbaahinta iyo dadweynaha ee hay’adaha Dowladdda Federaalka Soomaaliya waxaana ka qeyb galaya 40 xubnood oo ka kala socda xafiisyada xiriirka warbaahinta ee hay’adaha Dowladda.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegay in tababarkan diiradda lagu saarayo horumarinta hab warbaahineed ee xogta dowladda, isaga oo u mahad celiyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo aqoon isweydaarsigani ka taageeeray Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo furay tababarka ayaa tilmaamay in aqoon isweydaarsigani ahmiyad weyn siinayo wadashaqeynta iyo iskaashiga hay’adaha dowladda ee dhinaca Warbaahinta, xal u helidda caqabadaha dowladda ka haysta dhinaca baahinta iyo hab qoraalka shirarka iyo hawlaha warfaafineed ee dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.