Xasan Sheekh oo Amray Magaca Jeneraal Gordan in la Tirtiro oo Lagu Badalo Sarkaal Imaarad ah

xasansheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaca ka badalay Xerada Ciidanka Xoogga ee Jeneraal Gordan, waxaana loogu magac daray Sarkaal Imaaraad ah oo Muqdisho lagu dilay dhawaan.

Janeraalka Soomaaliyeed ee magaciisa la tiray Allaha u naxariistee Jeneraal Ibraahim Maxamed Faarax (Gordan) waxuu Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku biiray 1969 kii, wuxuuna kamid ahaa Saraakiishii ka qayb qaatay dagaalkii 1977 kii ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Arinkaan uu ku kacay Xasan Sheekh ayaa asd uga caraysiisay shacabka Soomaaliyeed waxaana qoraalo badan oo falcelin ah ka sameeyey Siyaasiyiin iyo Xildhibaano Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.