Khayre oo Cambaareeyey Xayiradii Dowladu kusoo Rogtay Dulimaadka Diyaradaha

KHAYRE

Ra’iisalwasrihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Cambaareeyey Xayiraadaha Diyraadaha dowladu kusoo rogtay diyaaradaha u kala goosha Muqdisho iyo gobolada Dalka.

Waxaan si kulul u cambaareynayaa go’aanka gurracan ee Dowladda Federaalku ay maanta ku joojisay dhammaan duullimaadyadii u safri lahaa gobollada dalka, kadib markii ay diyaaraduhu halis amni ka muujiyeen in ay ciidan u daadgureeyaan deegaanka Raaskambooni.

Waxaan ka xumahay in shacab Soomaaliyeed oo isugu jira haween, carruur, iyo waayeel ay maanta dhibbanayaal u yihiin go’aankan, oo ay garoonka Aadan Cadde ku xayiran yihiin kumanaan muwaadiniin ah oo u kala safri lahaa gobollada dalka.

Socdaalku waa xuquuq lamataabtaan ah oo muwaadinku leeyahay, 9 ayaandarro ah in la siyaasadeeyo, si diyaaradaha loogu khasbo in ay ciidanka daabulaan. Waxaan madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqayaa ah in ay si degdeg ah uga laabtaan go’aankan gurracan, si shuruud la’aan ahna u fasaxaan diyaaradaha iyo shacabka ku xanniban garoonka caasimadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.