Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa salaaddii Jimcaha kaddib ka hadlay xaaladda Jubbaland iyo go’aanka dowladda ee ku saabsan aayaha dadka ku nool deegaannadaas.
Madaxweynaha ayaa sheegay Axmed Madoobe, uu markii hore hoggaanka u qabtay maamulka Jubbaland si uu u gaarsiiyo doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, balse taasi beddelkeeda uu isku dhajiyay kursiga, isagoo marwalba qabanayay doorashooyin dadban oo aan loo dhamayn.
Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in Axmed Madoobe uu diiday wada-hadallo la xiriira qabashada doorasho qof iyo cod ah, isagoo muddo xileedkiisii hore dhamaaday.
Wuxuu sidoo kale sheegay in inta uu haayay talada Jubbaland uusan xureyn degmo ka mid ah maamulkaas, islamarkaana ka hor yimid dadaallada dowladda ee dib u xorreynta dalka, isagoo amray ciidammo weerar ku qaada kuwa qaranka ee ku sugan Raas Kaambooni.
Leave a Reply