Dadka Reer Gedo Ma Beecbaa? (For Sale) W/Q Jimcaale

Gedo

Waxaa jira maahmaah soomaaliyeed ee tiraahda (waad baahantahay baqti looma cuno), (mid kalana waxay ahayd magacu cuntada gadaasheeda buu yaalaa). Ninku haddii uu noqdo haruub raac magac ma keeno asagana meel xun baa u danbaysa.

Mar ay ahayd lix bilood ka dib markii la doortay Xassan Shekh Maxamuud baa waxaa wada fariistay asaga Xamsa iyo Axmed Madoobe waxay wada joogeen mudo saddex bilood, waxayna falanqaynayee sidii Mareexaan saaxada looga saari lahaa, gabagabadii waxaa la go’aamiyey in siyaasada, dhaqaalaha iyo deegaanada lagala diriro oo loola jeedo in aan nin waxtar leh xil loodhiibin, in dhaqaalaha laga curyaamiyo iyo in deegaanada ay degan yihiin laga barakiciyo.


Nimankii Sidaas heshiiska ku ahaa baa maanta dagaalamaya,waxaa ay isku diideen waa danahooda gaarka ah oo ah aniga aan joogee igala shaqee iyo anigu aan joogee igala shaqee, cadaawadii ay shalay idiin qabeen oo salka ku haysay nin walba in uu kursiga uu ku fadhiyo cabsi ka qabay in aad ka qaadaan oo nin Mareexaan ah ka qaado weli waa halkeedii, sidaas daraadeed maxaa dana oo ugu jira Reer Sade in aan la kala safano? Jawaabtu waa in aan wax dana ugu jirin ee ay ka dhaxli doonaan hoog iyo Baaba.


Miyeysan idiin Muuqan in ninba uu doonaayo in uu jifooyin Mareexaana adeegsado markii aad is nacdaan oo is laysaan oo is barakicisaan in qabiilooyinka dalka idin ku haystay weligood sida Digil, Mirifle iyo Gare midba dhan goosto uma fududaan doonto (MARKII SHINIYI IS KHILAAFTO BAA REERKEEDA LA HELAA)
Aan ku soo gunaanado nin baahan nasab maaha, kuwa gaajadu ka tanbadisay ama aan dhihi kara haruubraac Soomaaliduna hadda u bixisay HORGALO oo midna Xassan soo dirsaday midna Madoobe yey jiritaankiina wax u dhimin, haddii aad Warkaas qaadan weydaan waxaad ku danbayn doontaan dal iyo dad la’aan
Wabilaahi Towfiiq.


Cabdullaahi Jimcaale Faarah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.