Wasiir Fartaag oo Fashil Kala Kulmay Kulankii uu la qaatay qaar kamida bulshada Garbahaaray.

Fartaag

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa maanta la kulmay maamulka degmada Garbahaareey iyo hoggaannada qeybaha kala duwan ee bulshada ee magaaladasi.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dalabkii dowlada ee ahaa in laga qayb qaato dagaalka Axmed Madoobe dowlada kula jirto iyo tabashada bulshada gedo ee ah inay dowladu dhagaha ka furaystay wax ka qabashada burburka buundooyinka.

Bulshada Gabahaaray ayaa waftigii dowlada u sheegtay inaysan suurta gal ahan duulaan Axmed madoobe lagu qaado iyadoo Gedo gudaheeda aan shabaab laga saarin iyo inay dowladu bixiso dhaqaalo lagu dhiso buundooyinka Bardheere iyo Buurdhuubo.

Madaxwayne Xasan iyo Xukuumadiisa ayaa diiday inay ka qayb qaadato dhismayaasha buundooyinka burburay roobabakii ka da’ay gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.