
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay, Xuska sannad guurada 81-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hamblyo u diray Sarreeyaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeerayaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska iyo horumarinta laamaha ammaanka, dib u xoreynta iyo Dimuquraadiyeynta dalka, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka ka qabsoomaya.
Leave a Reply