Itoobiya ayaa Si Kulul Ugu Jawaabtay Hadal Kasoo Yeeray Wasiir Fiqi

fiqi
Itoobiya ayaa tiri Waa eedeyn aan sal iyo raad toona lahayn in wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu ku eedeeyay ciidamada Itoobiya falkii ka dhacay magaalada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu ku eedeeyay ciidamada Itoobiya falkii ka dhacay magaalada Doolow inay tahay eedeyn aan sal iyo raad toona lahayn.

Sida uu hadalka u dhigay wasiirka arrimaha dibadda ee DFS, waxaa falkan geystay dad doonaya inay carqaladeeyaan nabadda labada dal.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dhinacyadan saddexaad ay ujeedadoodu tahay inay khalkhal geliyaan Geeska Afrika, isla markaana ay mar walba ka shaqaynayaan sidii dalkeenna nabad loogu soo dabbaali lahaa.

Waxa uu sheegay in ciidamadan aan loo ogolaan in ay ku qasbaan go’aanka nabadeed ee labada dal ee ka muuqda heshiiskii Ankara.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto la shaqeynta hay’adaha ay quseyso dowladda Soomaaliya, si looga hortago falalkan oo kale.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Itoobiya ay si weyn u qadarin doonto dadaalka loo galay dib u cusboonaysiinta iyo xoojinta saaxiibtinimada labada dal ee walaalaha ah.

https://www.facebook.com/reel/783422990642947/?app=fbl

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.