Farmaajo oo Ka Hadlay Dagaal Beeleedyada Ka socda Dalka

Farmaajo

Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Degaal beeleedyada dalka ka socda waxuuna baaq u diray Madaxda Dowlada iyo Kuwa maamul Goboleedyada.

Dadka Soomaaliyeed ee ehelka iyo xigtada isu ah ee sida xaq darrada ah ugu dagaallamaya deegaanno badan oo ka mid ah dhulkeenna, waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan colaaddaha macno darrada ah ee aan lahayn guul, geeri mooyee.

Hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda heer Maamul waxaan xasuusinaynaa qiimaha ay leedahay in ay ku shaqeeyaan Soomaalinimo iyo midnimo, maadaama oo ay tusaale u yihiin shacabka, taas oo yaraynaysa dareenka qabyaaladda, eexda iyo colaadaha sokeeye.

Si gaar ah, waxaan uga muragaysannahay saraakiisha iyo ciidanka Soomaaliyeed ee difaacayey dalkooda ee aanada qabiil loogu laayey Hirshabeelle, arrinkaas oo khatar wayn ku ah jiritaanka Ciidamada Qalabka Sida oo aan lahayn hayb iyo qabiil ka hooseeya Soomaalinimo.

Culimada, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta deegaannada colaaduhu ay ka jiraan, si dadka walaalaha ah ay nabad ugu wada noolaadaan.

Alle waxaan ka baryayaa in uu dalka iyo dadkeenna ku mannaysto nabad iyo barwaaqo.

Wabillaahi Tawfiiq.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.