Sawiro:Shaqadii Dowlada Soomaaliya oo Kusoo Ururtay Kormeer

wasiir

Madaxda Soomaaliya ayaa markii wax ay qabtaan garan waayeen waxay isku maaweeliyaan kormeer wasaaraad ama xarun kale oo dowladeed, mana booqdaan goobaha caafimaad iyo kuwa waxbarashada oo ay jiraan baahi wayn.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku tegay xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo hormuud u ah taabbagelinta hufnaanta iyo isla-xisaabtanta si loo hormariyo adeegyada dadweynaha xukuumadda u hayso, loona dhaqangeliyo maamul-wanaagga iyo hufnaanta oo mudnaan gaar ah u leh xukuumadda DanQaran.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa xarunta ku soo dhoweeyay Hantidhowraha Guud Axmed Ciise Guutaale iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo uga warbixiya dib-u-habeynta sharciyadda, istiraatiijiyadda, iyo qorshayaasha Xafiiska, iyo horumarinta hannaanka baarista si uu u la jaanqaado nidaamyada caalamiga ah ee hantidhawrista.

Qorshaha Isbeddelka Qaran ayaa ahmiyad siinaya dib-u-habeynta laamaha dawladda si adeegyada dadweynuhu helaan u noqdaan kuwo ka tarjumaya himilada dadka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.