Wasiir xoosh oo xilka u kala wareejiyay guddoomiyaha cusub ee hey’adda qaxootiga iyo guddoomiyihii hore

Xoosh

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta xilka u kala wareejiyey mudane Axmed Xuseen Cilmi Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha iyo guddoomiyihii hore ee hey’adda marwo Safiya Xasan Maxamed.

Mudane Cali Xoosh oo hadal kooban ka jeediyey ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha Cusub mudnae Axmed Xuseen Cilmi dardargelinta shaqada hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha oo muhiimadda gaar ah u leh qaranka, isaga oo sidoo kale ku ammaanay guddoomiyihii hore marwo Safiya howlihii ay soo qabatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.