Hoggaanka sarre ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa xarunta dhexe ee xisbiga ee Magaallada Muqdisho kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyay dhalinyarro Soomaaliyeed oo ku qancay afkaarta xisbiga.
Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa hoggaamiyaha Xisbiga oo ah Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya Mudane Shariif Shiikh Axmed, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga Cabdulkhadir Cali Cumar iyo xubno kale oo ka tirsan Xisbiga.
Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa dhalinyaradda ku boorriyay inay qeyb ka noqdaan dib u dhiska dowladnimada islamarkaana dhalinyarada Soomaaliyeed guud ahaan looga baahanyahay inay kaalin muuqata ka qataan isbedelada siyaasadeed ee la filayo inay dalka ka dhacaan.
Dhanka Kale Sheekh Shariif ayaa sheegay inay adag tahay in hubka la dhigo inta Madaxda dalka wataan dhashiiko iyo baabuur qafilan.
Leave a Reply