Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad ee Dawladda Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, oo uu weheliyo Gudoomiyaha Dagmada Doolow, ayaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow kulan kula qaatay wafti wasiiro iyo masuuliyiin kale iskugu jiray oo kasoo ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.
Waftigan ayaa ka koobnaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jubbaland, Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, iyo masuuliyiin kale. Ujeedka socdaalka waftigan ayaa ah inay xoojiyaan hawlaha ay wadaan masuuliyiinta horay ugu sugnaa degmada Doolow, kuwaas oo ku howlan sugidda amniga iyo horumarinta deegaannada gobolka Gedo.
Safarka waftigan ayaa kusoo beegmaya xilli Dawladda Federaalka Soomaaliya ay xayiraad kusoo rogtay duulimaadyadii iyo isu-socodkii dadka rayidka ah, taas oo saamayn ballaaran ku yeelatay bulshada.
Waftigaan waxaa Kismaayo kasoo qaaday Diyaarad ay leedahay dowlada Itoobiya lama garanayo ujeedka Itoobiya ka leedahay jabinta cunaqabatayntii saarnayd Axmed Madoobe
Leave a Reply