Madaxweynaha Dowlada Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta Shir-gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo xasilinta deegaanada Hirshabeelle, Xoojinta Howlgallada kooxda Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle, iyo dhameystirka dhismaha gole-yaasha deegaanka
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha Xukuumadda uga warbixiyay xaaladaha guud ee amniga deegaanada Hirshabeelle, sare u qaadista tababarrada iyo tayeeynta qeybaha kala duwan ee ciidamada sida booliiska iyo daraawishta.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha u faahfaahiyay halka ay mareyso hanaanka maamul daadejinta iyo qorshaha Wasaaradda uga degansan dhameystirka Goleyaasha deegaanka si bulshadu u doorato hogaanka maamulkooda.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray barnaamijka xasilinta oo lagu hormarinayo deegaannada iyo degmooyinka Hirshabeelle oo sanadkii hore ay ka fuleen mashaariicyo horumarineed oo muhiim u ah bulshadeenna.
Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Hirshabeelle waxaa maanta kasoo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) oo Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Xukuumadiisa ku bogaadiyay sida ay u xoreysteen inta badan deegaannada Hirshabeelle sidoo kalana ay deegaannada u gaarsiiyeen mashaariicda horumarinta ee waxtarka u leh deegaanada.
Leave a Reply