Daawo:Madaxwayne Ciro oo U Qaraabasho Doontay Dalka Imaaradka

Ciro

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu baxay dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.

Dowlada Imaraadka Carabta ayaa Madaxweynaha u fidisay marti qaad rasmi sidoo kale-na u soo dirtay diyaarad khaas ah oo ah Royal Jet sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Safarka Madaxweynaha Somaliland ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee uu dalka dibadiisa ugu baxo intii uu xilka la wareegay.

Madaxweynaha waxaa waftigiisa ku wehelinaayey; Wasiirka Arimaha dibada , Wasiirka Madaxtooyada , Wasiirka Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha , Taliyaha Sirdoonka , La-Taliyaha sare ee Madaxweynaha ee Arimaha Dhaqaalaha , Madaxa xafiiska madaxweynaha Iyo Hawl wadeeno kale .

Sidoo kale safarka madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey marwada koowaad ee Marwo Farduus Maxamed Rooble.

Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay ku sugnaan doonan dalka Imaaraadka carabta muddo saddex cisho ah iyo kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dawladda Imaraadka Carabka kalana hadli doonan arrimo mudnaan u leh labada dhinac.

Muddada uu Madaxweynuhu booqashada rasmiga ah ku joogo dalka Imaraadka Carabta waxuu kulan la yeelan doona jaaliyada reer Somaliland ee ku sugan dalka Imaraadka Carabta .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.