Akhriso:Golaha Wasiira oo Meel Mariyey Qaraar Lagaga Hortagayo Khataraha Dowlada uga imaanaya Baraha Bulshada

xamze

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa meel-mariyey Qaraarka maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa lagu ansixiyey heshiisyo ku saabsan amniga internerka iyo heshiis is-afgarad wada shaqayn oo u dhexeeya guddiyada warbaahinta ee hey’addaha isgarsiinta dowladaha Soomaaliya iyo Malaysia.

Kulanka Golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida ay ka sameeyeen qeybo kamid ah gobollada dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.