Daawo:Laftagareen oo Gudoomiyey Shirka Amniga Koonfurgalbeed

laftagareen

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur Galbeed oo looga hadlay Istiraatijiyada Xoojinta Amniga Deeganada Koonfur Galbeed iyo ka Hortaga Dhagaraha Khawaarijta ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa ku saabsanaa xaaladda guud ee Amniga Deeganada Koonfur Galbeed iyadoo ay ka qeyb-galeen Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiir ku xigeenka Amniga, Gudoomiyaha Gobolka Baay, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo iyo Saraakiisha Hay’addaha Amniga Qeybahooda kala Duwan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.