
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xaaladda caafimaad ee dhaawacyada Ciidamada Qaranka iyo kuwa halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleey ee ku jira Isbitaalka Xoogga dalka iyo qaar kamid ah Isbitaallada gaarka loo leeyahay.
Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada Ciidamada oo xaaladdooda caafimaad ay soo hagaagayso, waxa uuna u xaqiijiyey in Dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.
Leave a Reply