Daawo:Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ayaa soo xiray shirka banbaxa Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimilada

Dhaay

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Labaad ee Dalka Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta soo xirey shirka looga hadlayey qorshayaasha hortebinta u leh Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada oo labadii maalmood la soo dhaafay ka socdey Magaaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa looga hadlayey sidii xal waara looga gaari lahaa qorshayaasha muhiimka ee Xukuumadda DanQaran ee ku qotoma saameynta ay dalkeenna ku reebtay Isbeddelka Cimilada iyo dardargelinta howlaha Wasaaradda Deegaanka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka hadlayey munaasabadda, ayaa sheegey in Wasaaradda looga baahan yahay in ay door firfircoon ka qaadato sidii wax looga qaban lahaa saameyn kala duwan ee ay dalkeenna ku reebtay isbeddelka cimilada dunida

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.