
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa booqday deegaanka Caddaan-laxeey waxana uu dhiirogelin ugu tagay ciidamada kala duwan ee wacdaraha u dhiggay Khawaarijta.
“Hirshabeelle markale ayay dagaal adag ku jirtaa, Caddaan-laxeey waxaad ka sameyseen halgan gobbanimo ah. Waxaan wadnaa abaabul xooggan oo dagaalka ah.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa tilmaamay in Hirshabeelle ay weli tahay fagaaraha gumaadka argagixisada.
Leave a Reply