Ciidamada Dowlada oo Deegaanka Al-kowsar Shabaab Jab ugu Gaystay

dagaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Xaq-u-dirirka deegaanka ayaa jab culus gaarsiiyay Khawaarij weerar ku soo qaaday degmada Al-Kowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan fulaynimo ah oo ay Khawaarijtu qorsheeyeen ayaa lagu jebiyay dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada.

Saraakiisha CXDS ayaa sheegay in dagaalkaas lagu xasuuqay kooxdii weerarka soo qaaday, halka gaadiidkii ay wateen la gubay, lagana furtay hub fara badan. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Degaanka dilay maleeshiyaad badan iyadoo sidoo kale ku raad-jooga firxadka kooxdii weerarka ka badbaaday, kuwaas oo u kala firdhaday dhulka howdka ah ee gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.