
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Raisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Abdisalaan Abdi Ali ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Ciidamadan oo muddo 6 bilood ah tababar ku qaadanayay xerada Tababarka Ciidanka Itoobiya ee Magaalada Baydhabo ayaa la baray xirfado kala duwan oo ciidan, kuwaas oo sare u qaadaya awoodda difaaca iyo sugidda amniga Deeganada Koonfur Galbeed.
Leave a Reply