Sawiro:Taliyaha Booliiska oo Gudoomiyey kulan looga hadlayey la dagaalanka Khawaarijta

Diyaano

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa shir guddoomiyay kulanka Hoggaanada iyo qeybaha Booliiska oo Todobaadkan looga hadlay la dagaalanka Argagixisada, amniga Xeebaha, iyo horumarinta shaqada Ciidanka Booliiska.

Taliyaha ayaa saraakiisha ku bogaadiyay dadaalka shaqo ee waajibka ku ah ,waxaana uu faray in la xoojiyo sugidda amniga si shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu noolaadaan nabadd iyo xasilooni.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.