
Kooxda argagixisida Shabaab ayaa qabsaday Sadex buundo oo mahiim u ah isu socodka Gobolka Shabeelaha hoose iyo Gobolka Banaadir kadib markii Ciidamada Dawladda lagala Wareegay.
Khawaarijta ayaa isku sii ballaarinaysa Shabeelaha Hoose, siiba deegaanada muhiimka ee Awdheegle, Bariire, Sabiib iyo Jannaale. Dhammaan deegaanadaas waxaa ku yaal afar buundo oo muhiim u ah ammaanka magaalada Muqdisho.
Weeraro qorsheysan oo Khawaarijtu ay deegaanadaas ka wadday waxay shalay illaa iyo saaka kula wareegtay saddex ka mid ah afarta buundo ee ugu muhiimsan gobolka Shabeellaha Hoose sida Awdheegle, Bariir iyo Caanoole.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa maalintii labaad safar ku jooga degmada Caddale ee adowlad Goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo uu kulamo ku saabsan abaabulka howgalka ciribtirka Khawaarij la qaadanayo Saraakiisha Ciidamada iyo bulshada deegaanka
Leave a Reply