
Dabley hubaysan ayaa xalay weerar ku qaaday saldhiga dhexe ee Magaalada Boosaaso, dhawaaqa hubka la is-weydaarsaday ayaa laga maqlay inta badan magaalada.
Dhawaqa rasaas xooggan ayaa laga maqlay saldhiga bartamaha Boosaaso, halkaasi oo xalay la geeyay hub laga soo qabtay gudaha Boosaaso kaasi oo ay laamaha ammaanka gobolka ku tilmaameen mid sharco daro ah..
Wararka ka imaanaya Boosaaso ayaa sheegaya hal qof inuu geeriyooday mid kalana ku dhaawacmay weerarkii xalay, laamaha amniga Puntland wali kama hadal weerarkii lagu soo qaaday saldhiga boliiska.
Leave a Reply