Sabiib iyo Caanoole oo Farmaajo 2019 Booqday ayaa Maamta Shabaab dib looga Qabtay

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa hawlgalo culus fuliyey saacadihii u dambeeyey,hawlgaladan oo ka kala dhacay labada gobol ee Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Hawlgalka ugu horeeya ayaa xalay wuxuu ka dhacay deegaanka geel-gub oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe halkaas oo Ciidanku xooggu weerar ku qaadeen goob ay isku urursanayeen xubno khawaarij ah waxayna Ciidanku halkaa ku dileen 40 khawaarij ah oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Waxa sidoo kale hawlgal labaad ka dhacay deegaan lagu magacaabo Boos Caduur oo ka tirsan degmada aadan yabaal waxayna Ciidanka deegaanka oo hawlgalkan fuliyey ku dileen laba xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta.

Dhinaca kale waxay saaka Ciidanka Xoogga weerar culus ku qaadeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo khawaarijta lagu gaarsiiyye jab xooggan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.