Madaxwayne Xasan oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Bada

xasansheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Taliyaha Ciidanka Badda u Magaacabay S/Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar.

Madaxweynaha ayaa wareegtada ku sheegay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso tayeynta Ciidanka Badda Soomaaliyeed, si ay ula wareegaaan amniga iyo difaaca xuduudaha badeed ee dalkeenna, taas oo muhiim u ah qarannimada iyo midnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Taliyihii hore ee Ciidanka Badda Admiral Cabdi Warsame shaqadii uu kasoo qabtay ciidanka Badda intii uu xilka hayay, waxa uuna kula dardaarmay Taliyaha cusub in uu sii labo laabo waajibaadka qaran ee loo idmay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.