
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-U-Heshisiinta Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdiwayel) oo ay wehliyaan wasiirka Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta Dowladda Galmudug Mudane Xassan Cabdulqadir Xuseen, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cumar Maxamed Diiriye iyo Maamulka degmada Ayaa Degmada Cadaado kaga qayb galay Xiritaanka Tartanka Qur’aan Akhriska Oo ay qabanaysay Jamciyada Alfurqaan.
Munaasabadda Tartanka oo ay soo xireen wasiiradu ayaa Guulaystayaasha Tartanka Quraan aqriska waxaa la gudoonsiiyay Amaal marino qaali taas oo loogu tala galay in lagu dhiirigaliyo Guulaystayaasha.
Tartankaan Oo ah mid Sannadle ah ayaa waxaa maal galiyay Madaxwaynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye (Qoor Qoor), Muhiimadda Tartanka ayaa ah Dhiirigelinta barashada Qur’aanka Kariimka.
Leave a Reply