Sawiro:Madaxweyna Xasan Sheekh oo Safar ku gaaray Kampala

xasanshekkh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Booqashada shaqo ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu ku tagay dalka Uganda ayaa ujeeddadeedu tahay sidii loo sii dardargelin lahaa dagaalka lagu cirirbtirayo Khawaarijta, iyada oo labada Madaxwayne ay sidoo kale ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka laba geesoodka dhinacyada badan taabanaya ee labada dal ka dhexeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.