Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr Gaas ayaa ka qayb galay aas magaalada Garoowe loogu sameeyey Illaahay ha’u naxariistee Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo ka mid ahaa Xidhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, Waxaa Madaxweyanaha Puntland ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland, xubno ka tirasan aqalka odayaasha ee dawladda Federalka Soomaaliya, Xildhibaano kamida Dawladda Fadaralka Soomaaliya, madax dhaqameedyo iyo dadweyne kale oo tiro badan.
Leave a Reply