Waftigan Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ee ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa waxaa hogaaminayay xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir iyo sidoo kale guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleebaan, waxaana markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha Kismaayo halkaasi si ween ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.
Leave a Reply