Waxaa faragalin lagu hayaa odayaasha soo xulaya ergada dooranaysa barlamaanaka soomaliya gaar ahaan kuwa Waqooyi, Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa loo kala diray, Guddiga doorashada dadban, laamaha amaanka iyo Beesha Caalamka, waxaana lagu wargeliyay ciidamada NISA inay faraha kala baxaan arrimaha doorashada, isagoo ku eedeeyay xiritaanka oday dhaqameed ka tirsan kuwa ka soo jeeda Gobolada Waqooyi oo ka tirsan Odayaasha 135.
Leave a Reply