Wakiilka QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Michael keating ayaa Xalay Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka.
Kulanka oo ay Albaabadu u xirnaayeen ayaa la sheegay in Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyo Danjire Michael keating ay ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin 11-ka Kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu laalay iyo Qeylo dhaanta kale ee weli ka soo yeereysa Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Leave a Reply