Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa si weyn u soo dhaweeyay Guusha uu ka gaaray Doorashada Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Waxaana uu sheegay in Maamulkooda ay aad ugu faraxsan yihiin Natiijada Doorashada Madaxweyne ee shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku tilmaamay Guusha Mr Farmaajo in ay tahay Waji Cusub iyo Nolol oo Iftiintay umadda Soomaaliyeed oo dhibaatooyin kala duwan la daalaa dhacayay.
Leave a Reply