hallinyaro ku.xiray Jasiiradda Seychelles ayaa fariin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Mohamed Cabdullaahi farmaajo oo 8 bishaan Feb lagu doortay caasimadda dalka soomaaliya ee Muqdisho.
Maxaabiistaan ayaa madaxweynaha Waxay ka codsadeen in uu il gaar ah ku fiirsho,isla markaasna,wax ka qabto xabsiga ay ku xiran yihiin sida ay sheeggeen 7 Sanno ku dhamaystay,ayaga oo sheegay in yihiin Xoogga dalka Soomaaliya,una Adeegi doonaan dalkooda iyo dadkooda
Mid ka mid masuuliyiinta War/baahinta radiosyl oo ay la soo xariireen ayaa ka sheekaynaya bal arrinta asaga iyo dhallinyarada dhex martay.
`´Waligey Murugo ka weyn ima soo marin Sawiradaan waxaa isoo diray dhalinyaro ku dhibaataysan xabsi ku yaalo jaziirada Seychelles Waxay ii sheegeen in ay halkaas ku xiran yihiin Mudo ka badan 7sano qaar kamid ah dhalintaasi waxay ku qurbaxeen gudaha xabsiga jirdil baahi iyo dhibaato xabsi.
Waxay isoo direen Fariimo ay ugu hambalyeynayaan Madaxweynaha Jamuuriyada Faderalka Somaliya Mudane Mohamed Abdullahi (Farmajo)
Waxay isheegeen in aysan aduunyo rajo ka lahayn inta aan la dooran Madaxweynaha Somaliya balse rajo ay gashay Guushii Farmajo.
Fariinta ay isoo direen dhalintaan aya waxay si qaas ah codsi ugu direen Dowlada Cusub ee Somaliya iyagoo faraiinta ku celceliyey Madaxweyne Waxaan ahayn mirihii wadanka waxan ku dhalanay dagaal iyo dhibaato walina manan arkin dowlad Sharci la’aanta ka jirto Somaliya Darteed ayaa wadankeeni Xoog nalooga ka xaystay waxan jeclaan lahayn anagoo nabad ah in aan ku laabano wadankeeni si aan uga qeyb qaadano hurumarka ka jiro dalkeena waxan kaga baahanahay in xabsiga sharci faraday ah ee qaar keen ku dhinteen nalaga siidaayo.
Walal fadlan Faafi wiilashan Somaliyed ee ku dhiban Seychelles ha gaar to Madaxweynaha Somaliya.
Leave a Reply